RW Abiy Axmad oo ka hadlay gadoodka ciidanka,  khadka teleefankana kula hadlay Ismail O. Geelle iyo Museveni

Reading Time: 2 minutes

Warar lagu kalsoon yahay ee MOL ka heshay magalada Addis Ababa ayaa shegaya in Ra’iisal Wasaaraha Dalka Itoobiya isla markaana ah Gudoomiyaha Urur Goboleedka IGAD uu kulan gaar ah  la yeeshay saraakiisha  sare ee Ciidanka Itoobiya. Kulankaas ayaa looga hadlay  xaalada ka siidareysa ee Soomaaliya, gaar ahaan gadoodka ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa lagu soo hadal qaaday Gadoodka Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya iyo sababaha ay salka ku hayo gadoodka. RW Abiy Axmad ayaa yiri “.. waa wax laga naxo ah in Ciidankii Soomaaliya ay dowlada u weyday raashin ay cunaan, … waa raashin kali ah…. maskaxdeyda waa ay gali la’dahay”. Waxa uu intaa ku daray “Mushaarka waa ka daahi karaa ama waa la weyn karaa lakiin side baad ciidan qaran raashin la’aan u dhigi kartaa”.

RW Abiy Axmedayaa sidoo  kale sheegay in ayan wax lala yaabo  noqon karin in ay ciidanka ka soo baxaan furimihii ay ku jireen amaba ay qabsadaan xaruumaha dowladda ee magaalada Muqadsihu mar hadii ay ku nool yihiin xaaladaas xanuunka badan.  RW Itoobiya oo isagu ah askari ayaa uu   rumaysan yahay in ciidanka Soomaaliya yihiin ciidan dulqaad badan mar hadii ay u dulqaateen xaalada noocaas ah. Waxa uu yiri “hadii ciidanka Itoobiya sidaaas ku dhici lahayd Addis Ababa ayaa ay xoog ku soo gali lahaayeen”.

RW Abiy Axmed  ayaa waxa lagu wargaliyay xaalada Soomaaliya in ay marayso xaalada keeni karta in Soomaaliya ay ku noqoto dagaal sokeeye isla markaan Al Shabaab dib ugu qabsado goobiihii  ciidanka Itoobiya ay dhiigooda ku bixiyeen in laga xureeyo Al Shabaab.

RW itoobiya oo dareemaya culays ka imaan karo gadoodka ciidanka ayaa waxa uu qadka taleefanka kula hadlay qaar ka mida madaxda wadamada ay ciidanka ka joogaan Soomaaliya.

Waxaa xalay khadka taleefanka kuwada hadal sadaxda hogaamiye ee Uganda, Itoobiya iyo Jabuuti iyaga oo ka hadlay sidii xal deg deg ah loogu heli lahaa xalaada ka sii dareysa ee Soomaaliya. Madaxweyne Uganda oo ay ka muuqato caro ayaa aad ugu dheeraaday in MW Farmaajo uusan ahayn qof ay daacad ka tahay in dalka laga xureeyo Al Shabaab. Waxa uu yir “side baad ula dhaqmeeysaa madaxweyne  ku nool been,… waxa aan asbuuc ka hor kula kulmay Kampala arintaan ayaan kala hadlay hadana waa arkaysaa waxba kama qaban”…. ‘these people are not series “.

Abiy Axmedayaa ayaa waxa lagula taliyay in uu Muqdishu u diro gudi ka socda madaxda IGAD iyo dowlada Itoobiya oo kala soo hadla Soomaaliya xal u helida dhibaatada taagan. Dhanka kale MW Ismacaail Cumar Geele ayaa dhankiisa isna laga codsaday in uu  Farmaajo u gudbiyo dareenka iyo walwalka ay qabaan amdaxda wadamada ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Sarkaal ka mida saraakiisha xog’ogaalka u ah wadahadalka madaxda ayaa sheegay in madaxda sadaxda dal ay aad ugu xumaadeen xaalada ka jirta Soomaaliya oo ah mid ay keentay mas’uuliyad daradda hogaanka Soomaaliyaa.  Waxa uuna inoo sheegay in ay macquul tahay in MW Farmaajo si dhaqso ah logo yeero in uu tago Addis Abbaba.

Waxaa muuqata in Soomaaliya ayan marnaba suuragal u ahaan doonin in ay hesho ciidan Qaran oo amniga dalka kala wareega  AMISOM inta hogaanka Farmaajo uu ku mashquulsan yahay aargoosi beeleed iyo kala qub-qubka ciidanka.