RW Abiy Axmad iyo MW Isaias Afwerk oo looga digay in ay  xiligaan u safraan Soomaaliya

Reading Time: < 1 minute

Ilaa iyo markii mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo, dowladaha Itoobiya iyo Eritereeya waxa ay da’daal ugu jireen sidii ay u caawin lahaayeen MW Farmaajo ama looga hortagi lahaa Mooshinka ay wadaan Xildhibaanda Baarlamaanka. Maalintii shalay ayaa ay ahayd markii uu qoraal soo dhigay bariihisa bulshada siyaasiga wayn ee reer Oromo Jawar Mohamed kaas oo ku eedyay mooshinka Farmaajo ila keenay n ay ka danbeeyaan qoomiyadda Tigreeda.

Hadaba madaxda labada dal ee Eritereeya iyo Itoobiya ayaa waxa ay go’aansadeen in ay safar lagu  tageerayo Madaxweyne Farmaajo ay si kadis ah ugu tagaan Soomaaliya. Ujeedada Safarka ayaa ah in loo muujiyo shacabka Soomaaliyed in MW Farmaajo haysto taageerada wadamada dariska la ah Soomaaliya. Dhanka kale labada dal ee Itoobiya iyo Eritereeya ayaa dantooda u arka in ay badbaadiyaan Madaxweyne Farmaajo madaama ay ku qabciyeen in Farmaajo taageero isbahaysiga gobolka ee kana soo horjeesto Jabuuti iyo Turkiga.

Si kastaaba ha ahaatee, madaxada labada dal ayaa lagula taliyay in safarka  ay ku tagayaan Soomaaliya xiligaan oo ay ka jirto Soomaaliya qalalaase siyaasadeed ay keeni karto in shacbka Soomaaliyeed u arkaan labada dal kuwa faraglin ku sameeynaya arimaha u dhaxeeya shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda.

Dowlada Maraykanka ayaa sidoo kale kula talisay in safarka labada mas’uul dib loo dhigo si aan loo kicin caadifadda Shacabka Soomaaliyed oo shaki badan ka qabo faraglinta Itoobiya ee Soomaaliya. Wali lama oga in RW Abiy Axmad iyo MW Isaias Afwerk ay qaadan doonaan taladaas.