Ruux u shaqeeynaayay wasaaradda Arrimaha gudaha oo Muqdisho lagu toogtay

Reading Time: < 1 minute

Kooxo hubeysnaa ayaa saakay Magaaladda Muqdisho waxa ay ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Wasaaradda Arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya.

Dabley hubeysneyd ayaa Sarkaalka ka Tirsanaa wasaaradda ku toogatay Xaafadda Al-Baraka ee Degmada Hodan, ee Gobolka banaadir.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goob-joogayaal kooxo bastooladdo ku hubeysnaa ayaa Sarkaalka toogtay xili uu shaqadiisa u socday,waxayna ka baxsadeen goobta.

Sarkaalka la dilay ayaa magaciisa lagu koobay Cabdi Madoobe.

Dhanka kale Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya oo goobta gaaray ayaa qaaday meydka Sarkaalka,waxayna wadaan baaritaano.