laba Ruux Oo Lagu Dhaawacay Magaalada Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado aya lagu soo warramayaa in in saaka laba Qof ay ku dhaawaceen gudaha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Labada qof ee la dhaawacay ayaa la socday Mootada nuuca loo yaqaano Fekonta, taas oo mareysa agagaarka saldhigga degmadaasi.

Ragga falkan geystay ayaa lagu qiyaasay illaa 3 ruux, kuwaas oo markii dambe goobta isaga baxsaday.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dhaawaca raggaasi, iyadoona wararka qaar ay sheegayaan in ay ka tirsanaayeen Ciidanka nabad sugida Soomaaliya.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi.

Maalmihii dambe ayaa waxa gudaha magaalada Muqdisho ka dhacayay falal ammaan dari oo isugu jira dilal iyo weeraro, kuwaas oo qaarkood ay sheegteen Al Shabaab.