Wararka naga soo gaaraya Suuqa Ansalooti ee degmada Xamar Jajab ayaa waxa ay sheegayaan in Kooxo hubeysan ay halkaasi goor dhow ku dileen Wiil dhalinyaro ah.
Wiilka la dilay ayaa da’diisa lagu qiyaasay 17 sano, waxaana uu ka mid ahaa dhalinyaradda Xaafadda.
Nin ku hubeysan Bastoolad ayaa la sheegay in uu dilay wiilka dhalinyaradda ah ka dibna uu goobta ka dhaqaajiyay.
Ciidanka Booliska ayaa soo gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka bilaabeen howlgallo.