Waxaa saakay koox hubeysan ay qof shacab ah ku dileen degmada Warta Nabada ee Magaalada Muqdisho.
Dilka ayaa waxaa uu ka dhacay Agaga gaarka masjid Cabdalle iyo Cawareere ee degmada warta nabada ee magaalada muqdisho,Kooxda dilka geysatay ayaa waxaaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen.
Ciidamo ka tirsan Booliska ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay, iyagoona halkaasi baaritaano ka sameeyay,Qof ka mid ah Dad Degaanka ayaa Muqdisho Online u Sheegay labo wiil oo dhalin yaro ah qofka shacabka ah ay ku dileen Degmada warta nabada.
Dilal kala duwan ayaa dhowrkii Todobaad ee lasoo dhaafay ka dhacaayay Qeeybo ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir