Ruux Lagu Dilay Degmada Hodon

Reading Time: < 1 minute

Wararka Nagasoo gaaraya Xaafadda Seeybiyaano Ee Degmada Hodon ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi lagu Ruux qatay Gaari nuuca loo-yaqaan gaaribta oo Wadada.

Dilka ayaa waxaa uu ka dhacay Suuqa Caanaha Seybiyaano Ee Degmadda Hodan,kooxdii falkaasi fulisay ayaana goobta ka baxsatay Sida ay inoo xaqiijiyeen Goobjoogayaal nala hadlay.

Ruux noo waramay ayaa sheegay in Gaari lala simay ka dibna Rasaas lagu furay iyadoo qeeybaha sare ee jirkiisa ruuxaani ay rasaastu ka heleeshay,hada Ciidamo ka Tirsan Kuwa Dowlada ayaa ku sugan halka falku ka dhacay.

Dilal kala duwan ayaa maanta oo jimco ah ka dhacay Degmooyinka Gobolka Banaadir kuwaasi oo ayna jirin ilaa hada cid loosoo qabtay