Ruux Dhalinyaro oo Meeydkiisa lasoo dhigay qeeybo ka mid ah Degmada Yaaqshiid!!

Reading Time: < 1 minute

Warar nagasa soo gaaraya degmada Yaaqshiid ee Gobolkan Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in xaafad ka tirsan degmadaas lagu meydka Nin dhalinyaro ah oo la dilay.

Nawaaxiga Saldhiga booliska degmada Yaaqshiid ayaa goobjoogayaal sheegeen in lagu arkay meydka ninkaas.

Dad ku nool Xaafadaas qaarkood ayaa waxa ay sheegeen in ninkaasi uu doonayay inuu u dhaco Guri ku yaalla nawaaxiga Saldhiga degmada Yaaqshiid sidaasi lagu dilay,isla markaana xaafadaha degmada Yaaqshiid aad looga yaqaano

Ciidamo ka tirsan kuwa saldhiga booliska degmada Yaaqshiid ayaa haatan ku sugan goobta lagu arkay meydka ninka,iyada oo sidoo kale ay buux dhaafiyeen dadweyne ka yimid xaafada ku dhow dhow saldhiga.

Waa mid ka mid ah dhacdooyinka isdaba jooga ah ee maalmahaan ka dhacayey Magalada Muqdisho,welina Maamulka degmada iyo laamaha amniga weli kama hadlin meydka saakay lagu arkay nawaaxiga Saldhiga booliska degmada Yaaqshiid.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!