ruux Aroos ahaa oo ku geeryooday Shil gaari oo Muqdisho ka dhacay!!

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan naga soo gaaraya  duleedka muqdisho gaar ahaan deegaanka siinka dheer waxaa  ka dhacay shil sababe khasaaro nafeed.

Shilka ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka siinka dheer ee duleedka muqdisho waxaana ku geeriyoode wiil aroos ah sido kale waxaa dhaawac uu ka soo gaaray gabdhii aroosada aheyd.

Shilka ayaa yimid ka dib markii gaari nuuca raaxada oo ay saarnaayeen arooska geeriyooday uu jiiray gaari kale oo isna maraaye goobta, waxaana gaariga arooska uu  ka  yimid deegaanka ceelasha biyaha waxa uuna usoo jeeday magaalada muqdisho.

Arooska geeriyooday ayaa goobta laga qaaday sido kale gabdhi aroosada aheyd ayaa iyaduna isbitaal loo qaaday ka dib dhaawac soo gaaray.

Dhowr jeer oo hore ayey sidaan oo kale shil gaari uga dhacay siinka dheer balse arintaani ayaa ka duwan maadama labo qof oo caawa aqalgalkooda uu ahaa mid ka mid ah ku geeriyoode halka qofka kalena uu ku dhaawac  ka soo gaaray.