Madaxa milatariga Ruushka Gen. Valery Gerasimov iyo Taliyaha sare ee NATO NATO Gen. Curtis Scaparrotti ayaa kulan aan caadi aheyn ku yeeshay caasimadda dalka Azerbijaan ee Baku, sidaas waxaa lagu sheegay war saxaafadeed.
Kulankan ayaa looga hadlay arimo xasaasi ah oo ay ka mid yihiin sidii Ruushka uu raali uga noqon lahaa howlgalka NATO gaar ahaan iskaashi militeri oo ay Yurub sameyso.
“Waxay dhinacyadu ka wada hadleen arrimo ku saabsan hawlaha milatari ee NATO iyo Ruushka ee gobolka Yurub iyo sidoo kale kor u qaadidda heerka kalsoonida iyo ka-hortagga dhacdooyinka,” ayaa lagu yiri hadal ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka.
Sdioo kale, kulanka ayaa looga hadlay xaaladda ka jirta dalka SIIRIYA, iyadoo Ruushka uu ka digay in talaabo militeri ay keeni karti in dagaal uu dhaco.
Ruushka ayaa dhanka kale, sheegay in dalkiisu sii wadayo xariirka NATO, Warkaana waxaa uu kusoo aadayaa xilli xariirka u dhaxeeya Mareykanka oo kaashanaya reer Galbeedka iyo Ruushka uu aad usii xumaaday kadib weerarkii Siiriya.