(Sawiro) Ruto oo Waraaqaha Safiirnimo ka guddoomay Jibrill Ibraahim Cabdulle

Reading Time: 2 minutes

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa Waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Cusub ee Soomaaliya u fadhiya Nairobi Ambassadoor Jibriil Ibrahim Cabdulle oo dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabay xilkaas.

Amb Jabril Ibrahim Abdulle oo kasoo shaqeeyey nabdeynta iyo dib dhiska dalka tan iyo xilligii Burburka horane Musharrax madaxweyne usoo noqday ayaa dhawaan loo magacaabay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, waxa uuna bedelay Amb Tarsan oo hore u ahaa safiirka Soomalaiya Kenya u fadhiya.

Dhowaan Madaxweynaha Jaahuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa magacaabay Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo uu maanta waraaqahooda aqoonsiga qasriga Madaxtooyada kaga guddoomay Madaxweyne William Ruto.

Magacaabista Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa wada wanaagsan u jeexi doonta Xariirka labada Dowladood,maadaama uu yahay shaqsi galaangal xoogan ku leh Kenya.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa hadda cagta saaray wado horay loogusii qaaday xasilooni siyaasadeed,waxaana magacaabista Jabriil Ibraahim Cabdulle si wayn usoo dhaweeyay Jaaliyadda Soomaaliyeed eek u nool dalkaan Kenya.