Ruto oo hanjabaad u diray dallaaleyda qaadka kaddib heshiiskii dhoofinta

Reading Time: 3 minutes

Madaxweynaha la doortay ee dalka Kenya William Ruto, ayaa shacabka Kenya u xaqiijiyay in ballamihii uu sameeyay xilligii ololaha doorashada uu fulin doono, isla markaana aysan jirin wax laga welwelo.

Ruto, oo ka hadlay garoonka Maya Stadium ee magaalada Meru, xilli ay ka socotay xaflad mahadcelin ah, ayaa sheegay in waxa ugu horreeya ee uu qabanayo kaddib dhaarintiisa oo ku aaddan maalinta beri ah ay tahay inuu hirgeliyo qorshe uu kor ugu qaadayo nolosha shacabka Kenya.

Ruto, ayaa dadka deegaanka Meru u sheegay inuu ka howlgali doono sidii uu ku soo afjari lahaa dallaaleyda jaadka, isaga oo beeralayda qaadka u jeediyay in aysan welwelin. Dadku waxay qabeen cabashooyin dhanka ganacsiga qaadka ah tan iyo markii Kenya iyo Soomaaliya ay bilooyin ka hor ku heshiiyeen in dib loo billaabo dhoofinta Jaadka.

William Ruto, ayaa intaas ku daray in uu la kulmi doono Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, uuna kala hali doono suuqa qaadka iyo horumarinta ganacsiga labada dal.

“Aniga ii daaya arrimaha qaadka. Waxaan toddobaadkan kulan la leeyahay Madaxweynaha Soomaaliya si aan suuqa qaadka uga wada hadalno. Beeralayda qaadku waa in aysan welwelin, dhammaan arrimaha qaadka ku saabsan waannu la macaamili doonnaa,” ayuu yiri William Ruto.

Soomaaliya waa suuqa ugu weyn ee loo dhoofiyo qaadka Kenya, iyadoo ugu yaraan 16 duullimaad oo sida qaad ay maalin kasta tagaan Soomaaliya.

Xayiraaddii ay dowladda Soomaaliya saartay dhoofinta qaadka ayaa dharbaaxo ku noqotay ganacsiga qaadka ee Kenya oo ka soo kabanayay saamaayntii go’aankii ay dowaladda Britain uga mamnuucday in dalkeeda loo dhoofiyo, maaddaama ay qaadka u aqoosanatay in uu yahay muqaadaraad.

Kaddib heshiiskii dhoofinta qaadka ee dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Uhuru Kenyatta ayaa ganacsatada jaadka ee Kenya waxaa lagu amray inay u hoggaansamaan Shuruucda Dalagga (Qaadka), kaas oo Xeerarkiisa isbeddel lagu sameeyay.

Sida uu xeerku dhigayo, dhoofiyeyaasha qaadka waa inay diiwaan gashadaan oo ay shati ka haystaan Maamulka Beeraha iyo Raashinka Kenya ee loo soo gaabiyo AFA. Ganacsatada ayaa sidoo kale looga baahan yahay inay helaan oggolaanshaha dhoofinta shixnad kasta.

Qof kasta oo dhoofiya qaadka bilaa shati waxa uu mutaysan doonaa xarig ilaa saddex sano ah ama ganaax dhan 5 milyan oo shilinka Kenya ah.

Maxaa Soomaaliya ka dhigay suuqa kaliya ee qaadka Kenya la geeyo?

Dowladda Ingiriiska ayaa sanadkii 2014-kii waxaa ka dhaqan galay mamnuucid lagu soo rogay qaadka oo ay u aqoonsatay inuu ka mid yahay waxyaabaha maanka-dooriya, ayna isticmaalaan bulshooyinka dalalka Itoobiya, Kenya, Soomaaliya iyo Yemen.

Dowladda Britain ayaa sheegtay xilligaas in mamnuucidda qaadka ee UK la jaanqaadi karto dalalka kale ee Yurub oo uu ka mid yahay maaddooyinka laga ilaaliyo dadka.

Qaadka Kenya ay u dhoofin jirtay UK waxaa sanadkii ka soo gali jirtay lacag dhan 7.5 milyan oo doolar.

Dadka ku nool gobolka Meru ee dalka Kenya ee ay ku yaallaan beeraha qaadka, ayaa xilligaas ka muujiyay walaac la xiriira saameynta dhaqaale ee ka dhalan karta joojintiisa.

Tallaabadaas ay qaadday dowladda Ingiriiska, sanadkii 2014-kii ayaa meesha ka saartay dhaqaale badan oo ay heli jireen ganacsatada, waxaana soo xirmay suuqii ugu weynaa ee qaadka Kenya loo dhoofin jiray.

Mudaneyaal ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya ayaa xilligaas u jeediyay dowladda Ingiriiska in aanay mamnuucin isticmaalka qaadka, hase yeeshee arrintaas dhaq jalaq uma aysan siin UK.

Intaa wixii ka dambeeyay dalka Soomaaliya ayaa Kenya u noqday suuqa koowaad ee jaadka loo iibgeeyo, isla markaana laga helo dhaqaale tiro badan.

Cadaadiska ganacsatada

Ganacsatada gobolka Meru ee dalka Kenya ayaa dowladdooda cadaadis saarayay tan iyo markii Soomaaliya ay mamnuucday qaadka Kenya, si ay arrintaas wax uga qabato, ayna ka shaqeyso xal horseed u noqon kara in mar kale qaadka Kenya loo daabbulo Soomaaliya.

Ganacsatada qaadka Kenya, ayaa sheegay in kalluunka ugu badan uu Kenya uga yimaado Shiinaha, taas oo ay sheegeen in aysan jirin sabab kallifi karta, maaddaama Soomaaliya ay ka soo dhoofsan karaan kalluun.

“Ma jirto sabab aan Shiinaha uga soo qaadanno kalluunka, maxaa yeelay Soomaaliya oo aynu deris nahay ayaan ka heli karnaa kalluun badan oo wanaagsan. Waxaa jira waxyaabo kale oo aynu Soomaaliya kasoo dhoofsan karno sida xoolaha nool iyo hilibkooda oo dalka Kenya ku yar,” ayuu yiri Kimathi Munjuri oo ah guddoomiyaha Ururka Beerlayda Qaadka.