RoseMary DiCarlo oo u sheegtay farriin aay aad uga naxeen Kheyre & Farmaajo (Akhriso)

Reading Time: < 1 minute

Madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Kheyre, ayaa maanta Muqdisho kula kulmay madaxa waaxda siyaasadda iyo dhismaha nabadda qaramada midoobay (DPPA), Rosemary DiCarlo.

Kulankan ayaa yimid ku dhowaad bil kadib markii Soomaaliya ay cayrisay wakiilkii QM ee Soomaaliya, Nicholas Haysom.

Kulanka ayaa looga hadlay adkaynta xariirka Qaramada Midoobay iyo dawladda federaalka Soomaaliya, in si dhaw labada dhinac ay uga wada shaqeeyaan danaha ummadda Soomaaliyeed, in dawladda laga taageero dhismaha dawlanimada iyo nabadda iyo in la dhiirri geliyo Bah-wadaagnimada waqtiga fog ee Soomaaliya u suura gelinaysa mustaqbal barwaaqaysan.

Rosemary DiCarlo ayaa u sheegtay MW Farmaajo iyo RW Kheyre in looga fadhiyo in ay jawaab cad ka soo bixiyaan warqaddii uu qoray wakiilkii hore ee QM Nicholas Haysom taasoo dowladda Soomaaliya lagu eedeeyay ku xadgudub xuquuqul insaanka kaddib markii aay ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay shacab gaaraya 15 qof ku dileen magaalada Baydhabo.

“Nicholas Haysom bixitaankiisa kama tarjumeyso in aanad ka soo jawaabin warqadii uu qoray, qoraalka ma ahayn mid shaqsi uu qoray ee wuxuu ahaa qoraal ka yimid Qaramada Midoobay, waxaanan idinka ku sugeynaa jawaab degdeg ah” ayeey tiri Rosemary DiCarlo.