Rooble oo xafiiskiisa ka shaqaaleysiiyay qaar kamida mucaaradka! Maxa isbadalay?

Reading Time: < 1 minute

Ra’iisal Wasaaraha Xilgaarsiinta  Maxamed Rooble ayaa bilaabay in uu xafiiskiisa ka dhaqaaleysiiyo qaar kamida hogaanka ururada mucaaradka ee ka soo horjeedo dowlada Federaalka.

Rooble ayaa maalintii Arbacada ee bisha Disember ahayd 5ta waxa qoraal uu soo saaray xafiiiska ugu magacabaay lataliyaha Arimaha Siyaasada ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Kamal Guutaale.

Kamal Guutaale ayaa xiligaan ah Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir. Talabadan uu qaaday Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa u muuqato qorsho uu doonayo in uu ku  soo jiito hogaanka Mucaaradka, gaar ahaan garabka midwoga musharaxiinta ee isaga taareersan.

Kamal Guutaale ayaa horayba ka bilaabay shaqadiisa  waxa uu shalay qayb ka ahaa wafdigii la socday Ra’iisal Wasaare Rooble markii uu la wareegayay deeqdii ay dowlada Imaaradka ugu deeqday Soomaaliya.