Rooble oo si Xarfadeysan u lug jiidaya Doorashada iyo maalmaha xurriyadda oo uu wado in Farmajo  loo Heeso.

Reading Time: 2 minutes

Ilo wareedyo aad loogu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan in RW Rooble oo ka amar qaadanaya Villada iyo xaruunta NISA ayaa waxaa laga soo sheegayaa in loo sheegay inuu fuliyo laba arrin ka hor inta aan doorasho la’aadin labadaas qodob oo loogu daneynayo Farmajo.

Qodobka koowaad waa inuu qaado tallaabooyin muran iyo mar kale shir la isugu yimaada abuura, kaas oo keeni doona inay maalmo ama xataa toddobaadyo bilo ku dhowaan kara uu dib u dhac yimaado.

Qodobka labaad ayaa ah inuu ka fogaado in guddi doorasho oo heshiis lagu yahay degdeg loo sameeyo si ay xaajada u sii daba dheeraato, lagana fogaadiyo in la iclaamiyo maalinta ay doorashada dhaceyso, Wayo marka guddiga la sameeyo marka ugu dambeysa waxaa loo bahanayaa in tababar loo furo si shuruucda doorashooyinka loo baro, taasina waqti ayey qaaan doontaa waxayna daahin doontaa gooynta maalinta weyn.

Haddaba waa maxay ujeedada arrintaan uu Farmajo ka leeyahay?  Farmajo waxaa ka go’an xaalad kasta iyo si kastaa inuu isaga ku soo noqodo kursiga madaxtooyada. Sidaas daraadeed waxaa uu sameynayaa waxkasta oo uu arki karo inuu ku soo noqon kara talada dalka  waa -Allaahuma najinaa!!

Waxaa uu sameyn doona Farmajo inta daaha lagu jiro ayaa ah:

  1. Inuu isku dayo inuu abuuro carqalad Somalida lagu kala qeybinayo si uu weli u sii haysto kooxdii uu siray oo runtii ay waddaniyada beenta qaaday oo hadda soo fahmaya inuusan ahayn ninka ay u haysteen.
  2. Inuu maalmaha xuriiyadda ee 26ka, 27ka Juun iyo 1da Julay uu u dhaqmo sidii madaxweyne oo kale oo intuu meelo tagtago uu khudbado doqomeedkiisii jeediyo, si uu weli u haysto xogaaga yare e shacbaka ah ee ku haray iyo kuwa aan rabin inuu dalka soo kabto oo Farmajo ula jira inuu dalka sii dilo, iyadoo qaarkood u adeegaya dano shihseeyr sida Mahdi Yatakabaru, Dubbe Soo Yeere iyo Farax Sujuu oo mid waliba u shaqeeya dano aaan dalkaan dan ugu jirin.

Haddaba mucaaridka iyo madaxda DG dalka u daacadda ahi waa inay fahmaan Cagajiidka Rooble inay wax ka khaldan yihiin. Heshiiska waxaa uu dhigayey in 5 maalmood in lagu soo afjaro arrinta guddiga oo markii ugu horreysayba uu tallaabo khalad ah qaaday mucaaridka iyo DG ay ka aamuseen taas oo ahayd in laga ogolaan inuu guddi ka dhigo wasiirro iyo rag xildhibaan doon ah oo la yiri soo xula oo kala shaandheeya raggii idin soo xuli lahaa. Sidoo kale waa kan hadda magacaabay guddi uu leeyahay waxay soo baarayaan dhaalinyaradii ku la’eday dagaalka Tigray, kadib markii uu Farmajo heshiis kula galay Abiy iyo Afawerki inay xaabo kaga dhigtaan dagaalka, waana kuwii la baari lahaa oo is soo baara la yiri.

Isku soo duub , Rooble waxaa uu muuqdaa inuu rabo inuu iska sii joogo oo uusan wax doorasho ah qaban inta ay kooxda NN is leedahay xoogaa waad ka soo kabateen dhaawacii idin gaaray iyo beentii la idin ku fahmay. Sidoo kale waxay rajo ka qabaan in Murashaxiinta ugu jira murashaxnimada hunguri iyo ha lagaa sheego laga shaqeeyo sidii loo kala daadin lahaa, iyadoo durbaba ragga qaar laga hayo haddii aniga qado la ii qaado Qaran waxba igama galin oo ku ag wareega Fahad.