Rooble oo sheegtay in uu bixiyay lacag uusan haynin, amri karin & Somaliland oo ka aamustay

Reading Time: 3 minutes

Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisal Wasaaraha Xil-gaarsiinta ayaa maanta markale soo saaray qoraal iyo aragti uusan ka fiirsan. Waxa uu dhowr bilood ka hor uu soo saaray qoraal uu ku amraayo in la bixiyo lacagtii Imaaraadka.

Sida aan wada ogsoonahay ma jirto cid hadalkiisa wax ka soo qaaday, iska daa in lacag la bixiyo waxaa la diiday in bangiga dhexe ka jawaabo amarka uu soo saatray.

Arinta lacagta Imaaraadka halkaas ayaa ay ku dhamaatay, wax is weydiiyayna ma jirto. Dowlada Imaaraadka oo soo dhaweysay hadalkii Rooble ayaa waxa ku dhacay waji gabax ka dib markii la diiday in dib loogu celiyo lactoodii sida uu balan qaaday Rooble.

Hadaba maanta ayuu waxa uu sidoo kale soo saaray qoraal uu ku sheegayo in uu ku amrayo in la bixyo lacag Somaliland lahayd oo ka taalo bandiga dhexe ee Soomaaliya. Qoraalkaan ayaa waxa uu ku soo beegmay xili masiibo ku dhacday dadka reer Somaliland.

Waxaa ay dadka wax kala socda lacagaha ay bixiyaan deeq bixiyayaasha aad ula yaabeen qoraalkaan aan laga fiirsan ee aan sharciga ku fadhiyin ee uu soo saaray Rooble, isaga oo doonayo in uu ku helo taageero siyaasadeed.

Ma aha xiligaan xili lagu digto ama laga faa’iidayso dad dhibaato dhaqaale iyo nololeed ay ka soo gaartay masiibadii dabka ee ka dhacday suuqa  weyn ee magaalada Hargeysa. Waxa ay ahayd hadii ay jirto lacag uu ku taakulaynayo dadka dhibaatada ka soo gaartay dabka suuqa Hargeysa uu jeebkiisa ama kan dowlada uu ka diro am aka bixiyo.

Waa laga fiican yahay in Rooble ka been abuuro awoodiisa siyaasaseed iyo taabagalinta qoraalka siyaasadeeysan ee uu soo saaray. Dowlada Somaliland oo og taariikhda lacagta uu sheegay in Rooble u fasaxay Somaliland ayaa waxa ay wax lala yaabo ku tilmaantay caqliga Rooble.

Dowlada Somaliland ayaa gabi ahaanba ka aamustay hadalka dacaayada ee ka soo yeeray Rooble. Sida MOL ay la wadeegen ms’uuliyiin ka tirsan hogaanka Somaliland, marka  laga soo jeesto gurmad dadka dhibaatada ka soo gaartay dabka ayaa dowlada Somaliland uga jaawabi dontaa Rooble waxa ay ku tilmaameen “aflagaado iyo ka been sheegida Somaliland”.

Somaliland ayaa markeedii hore diiday in ay ogolaato in lacag loo soo mariyo dowlada Somalia, Beesha Caalamkana  oo og mowifka Somaliland ayaa  bilowday in ay Somaliland toos u siiso lacagaheeda.

Bishii June 9keedii ee sanadkii  2018, ayaa qoraal ay soo saartay dowlada Federaalka Soomaaliya ay ku diiday in waxa lagu sheegay “Special Arrangement”    ee ahaa in lacag toos loo siiyo Somaliland. Laakiin  waxaa taa ka horeeyay in Somaliland ay iyadu  diiday in ay ogolaato in lacag loo soo mariro dowlada Soomaaliya.

Beesha Caalamka dhag jalaq uma siinin qoraalka ka soo  baxay dowlada Federaalka Soomaaliya, Somaliland waxa ay si toosa u heshaa dhaqaalihii horay loogu qorsheeyay?

Su’aashu waxa ay tahay, Rooble ma bixin karaa lacag aan isaga gacanta ugu jirin? Lacagta waxa wali ay gacanta ugu jirtaa beesha caalamka oo leh amarka lagu bixinaayo? Rooble miyuusan ka xishoonaynin in xili dhibaato jirto uu ka dhex raadiyo sharaf iyo karaamo?.

Mar hadii uu og yahay in qoraaladiisa ayan ka shaqeeynaynin bangiga dhexe iyo wasaaradda Maaliyadda waa maxay sababta uu u soosaarayo qoraalada noocaas ah? Miyuusan xishoonaynin?

Halkaan ka aqriso qoraalada la is dhaafsaday ee arintaa ku saabsan: