Rooble oo raalli gelin buuxda siiyay Guudlawe & shirka oo furmaya Maanta

Reading Time: < 1 minute

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaaciyey inuu raaligelin ka bixiyey tabashadii uu qabay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ku sugan dalka Turkiga.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu Khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), kana ka raalli galiyay tabashadii uu ka qabay ka qeyb galka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran”.

“Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa shirka maanta furmaya uga qeyb galaya aaladda fogaan aragga ee ZOOM” ayaa lagu yiri qoraalka Ra’iisal wasaaraha, iyadoo aan faahfaahin laga bixin tabashada uu qabay Madaxweynaha Hirshabeelle.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Hirshabeelle uu ka carooday habka uu xafiiska Ra’iisal wasaaraha ula dhaqmay iyo tixgelin la’aanta qabashada shirka maanta furmaya.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!