Waxaa mudo labo asbuuc gudahooda uu RW Rooble u diray dalka Kenya qaar kamida wasiiradiisa, gaar ahaan kuwa isaga ku dhaw. Asbuuc ka hor ayaa ay ahayd markii uu Rooble Wasiir Cadaala oo ay ehel soke yihiin uu si dhuumasho ah ku tagay dalka Keyna si Loo furo qaadka.
Rooble ayaa ku xiray madaxda Kenya in lagu siiyo isaga iyo saaxiibadiisa aduun lagu sheegay $2 Malayan oo lacagta Maraykanka ah.
Lacagtaan ayaa ahayd mid lagu sheegay in lagu fududeynayo in xayiraad ka qaadida qaadka Kenya oo mudo dhowr sano ah xayirnaa.
Ma aha markii u horeeysay ee uu Rooble isku dayo in uu dib u furto qaadka Kenya, balse waxa uu halkaas horay ugu diray qaar kamida ganacsatada beesha Sacad ee uu isaga ka jeedo.
Sida Ilo lagu kalsoon yahau u sheegeen MOL, ugu danbeeyntii waxa uu asbuucaan u diray dalka Kenya qaar kamida Wasiiradiisa si ay markale Kenya ugu soo qanciyaan in la siiyo dhaqaale lagu furdaamiyo qaadka.
Waxaa muuqata deg degsiimo ku jirto Rooble taas oo ah in uu wax gacan qabsi ah ka qaato Kenya inta waqtigiisa soo dhamaan asbuucaan.