Doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya, ayaa mar kale dib u dhac ku yimid xilli ay maanta ku beegantahay 15 Maarso oo lagu dhammaystiri lahaa. Xubnaha laga soo doorto Somaliland iyo Banaadiriga ayaa la dhammaystiray, kuwaas oo dhammaantood lagu doortay magaalada Muqdisho.
Eeda fashilka ayaa waxa ay dusha uga dhaceysaa RW Rooble oo markii shanaad ku fashilmay in Doorashada dalka lagu dhameeyo waqtiga horay loogu heshiiyay.
Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa dhankooda lagu wadaa in ay maanta qabtaan Doorashada xubnihii u dambeeyay ee Golaha Shacabka. Dhinaca kale Puntland, Jubaland iyo Hirshabeelle ayaa ku guul-darreysay in ay jadwalkii lagu tala-galay ku dhammaystiraan Doorashada xubnaha Golaha Shacabka.