Rooble oo magacaabay Guddi Baaraya Af Gambigii dhicisoobay

Reading Time: < 1 minute

RW Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa magacaabay Guddi ka kooban shan xubnood oo ka tirsan Golaha Wasiirada in aay baaraan dhacdadii 27 Disember 2021 ee la isku dayay in lagu inqilaabo xukuumadda kaddib markii uu si sharciga baal maarsan uu shaqo ka joojin ugu sameeyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Guddiga ayaa la faray in muddo todobaad ah ku soo gabagabeeyaan baaritaanka

Iyada oo la fulinayo Go’aankii Golaha Wasiirrada, Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddi ka kooban Shan Wasiir kuwaas oo baaris rasmi ah ku samayn doona dhacdadii 27 December la isku dayay in la afgambiyo Xafiisyada Ra’iisulwasaaraha iyo Xukuumadda

Wasiiradaan ayaa kala ah.

1- Cabdulqaadir Maxamed Nuur Wasiirka gaashaandhigga—Guddoomiye.

2- Cabdullaahi Maxed Nuur Wasiirka Amniga Gudaha.

3- Cabdullaahi Abuukar Xaaji – Wasiirka Waxbarashada.

4- Gen Bashiir Maxamed Jaamac, Wasiirudowlaha Hawlaha Guud.

5- Cabdixakiim Xasan Ashkir, Wasiirudowlaha Xafiiska Ra’iisulwasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Xubnaha Guddigaan in ay baaristooda ku soo gabagabeeyaan muddo todobaad ah.