Rooble oo lagu qanciyay Hay’adda Socdaalka & Farmaajo oo magacaabayo Agaasimaha NISA

Reading Time: < 1 minute

Shir aan caadi ahayn oo aay maanta yeesheen Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa u magacaabay Cabdulqaadir Cilmi Cali gaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxaa Xilkaasi laga Qaaday Maxamed Aadan Jimacaale Koofi.

Heshiiskan ayaa yimid kaddib markii uu Farmaajo ku adkeystay in uu isaga magacaabo Agaasimaha NISA si loo daboolo kiiska Ikraan Tahliil oo ku maqan gacanta Fahad Yasin.

Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socdo uu Farmaajo ku dhawaaqo Agaasimaha cusub ee NISA walow aan la hubin cidda loo magacaabayo balse sida MOL aay ilo wareedyo lagu kasoon yahay u sheegeen Dowladda Qatar ayaa diiday shaqsigii uu watay Fahad Yasin, kaasoo ahaa xubin ka tirsan Golaha Wasiirada Cabdiraxmaan Dheere.

Fahad ayaa booqasho aan la shaacin 3 maalmood ka hor ku tagay magaalada Dooxo si uu ugu qanciyo Cabdiraxmaan Dheere balse waxaa la sheegayaa in laga soo diiday oo uu shalay dib ugu soo noqday magaalada Muqdisho.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!