Rooble oo kulan degdega ugu yeeray Guddiga kala jabay Doorashada Gobollada Waqooyi (Somaliland)

Reading Time: < 1 minute

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan degdega isugu yeeray xubnaha Guddiga is khilaafsan ee Gobollada Waqooyi (Somaliland).

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Waraaraha ayaa lagu faray dhammaan Xubnaha Guddiga Maamulka Doorashooyinka Somaliland inay kasoo qayb galaan kulan muhiim ah oo uu ugu yeeray Ra’iisul Waraarea Maxamed Xuseen Rooble.

Kulankan oo ayaa dhacaya xafiiska Ra’iisul Waraaraha maalinta Beri ee Talaadada 03/08/2021 saacada markay tahay 11:00, waxaana lagu adkeeyay inay waqtiga dhowraan.

Arrintan ayaa timid kadib markii uu fashilmay qorshe uu Rooble ku doonayey inuu kula wareego maamulka Doorashada xildhibaannada kasoo jeeda Somaliland, taasoo uu ka hor yimid Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi.

Hadal uu soo dhigay bartiisa Facebook Maxamed Cabdi Maareeye ayaa sheegay in aanu jirin wax is afgarad ah oo dhex maray labada dhinac, wuxuuna beeniyay hadalka Afhayeenka Xukuumadda Macalimuu

Maareeye ayaa qoray ”

Waxaan u sheegayaa Salaadiinta, waxgaradka, Musharaxiinta kuraasta Dir Waqooyi, Bulshada reer Somaliland ee Soomaaliya iyo Guud ahaan Shacab Soomaaliyeed in kulamadii ay lahaayeen Gudoomiye Cabdi Xaashi, Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeen Mahdi guuleed ee uu sheegay Afhayeenka Xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu in ay soo dhamaadeen in aan wax is-afgarasho ah lagu gaadhin”
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa yiri
“Raiisul Wasaare Rooble halkii laga sugayey in uu isu jiidjiido oo dhexdhexaadiyo labada garab wuxuu la yimid in uu doonayo in lagu wareejiyo talada iyo maamulka Doorashada 57 kursi ee ay leeyihiin Dir Waqooyi, taasoo Gudoomiye Cabdi Xaashi u sheegay Ra’iisul Wasaaraha in aan la wareejin karin Masiir ummadeed ee looga baahan yahay RW in uu keeno xal dhexdhexaad ah oo labada dhinac ku qanci karaan.”
Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!