Kulan booroor diiq ah oo loo sameeyay Xildhibaanad Amino, Allaha u naxariistee ayaa lagu qabtay magalaada Muqdisho. Kulanka oo ay ka soo qayb-galeen madax kala duwan ayaa waxaa halkaas ka hadlay RW oo sheegay in uu hayo fatiimo cadeynaya in dilkii Xildhibaan Aamino ay ka danbeeyeen kuwii dilay Ikram Tahliil.
Waxa uu sheegay in dagaalka isaga iyo Farmaajo uu ahaa mid salka ku hayay dacwadii dilka Ikram Tahliil. Waxaan uu cadeeyay inuu yaqano qofkii Amina dilay, kuwii soo waday iyo, kuwii lacagta ku bixiyay intaba.
Rooble ayaa sidoo kale si dadban u sheegay in dilka Aamino uu ka danbeeyay nin laga soo masaafuriyay dhul ka baxsan Hiiraan, taas oo uu ula jeeday in ninka isku qarxiyay Xildhibaan Aamino uu ahaa nin ka dhashay beesha Mariixaan oo laga keenay gobolka Gedo.
Hadalka Rooble ayaa ah mid kor u sii qaadaya cadiifada qabiil ee haatan ka jirta dalka. gaar ahaan xiligaan kala guurka ah.