Rooble oo ku baaqay Midnimo iyo wadahadal

Reading Time: < 1 minute

Xaflad lagu mamuusaayo xuska 1-da luulyo ee maalimta xoriyadda ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Tiyaatarka ee Magaalada Muqdisho.

Xafladaan waxaa ka qeybgalay Madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Mudane Maxamed C/lahi Farmaajo,R/wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ,xubno ka socda labada gole ee baarlamaanka,gobolka Banaadir,ururada bulshada iyo marti sharaf kale.

Ra’iisulwasaare Rooble oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa ku baaqay midnimo iyo wadajir.

”Waxaan maanta u Dabbaal degaynaa 1-da Luulyo oo ku beegan Sanad guurada 61-aad ee ka soo wareegtay Xorriyaddii Gobollada Koofureed ee dalkeenna, Midowgii Koofur iyo Woqooyi iyo Dhalashadii Qarankeenna”

Waxaa uu intaasi kusii daray “61 sano ka dib, waxaan baahida ugu weyn u qabnaa midnimo iyo wadajir oo ah jidka kaliya ee aan ku gaari karno horumarka aan hiigsaneyno, kulana tartami karno dalalka iyo dadyowga asaaaggeen ah.”

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!