RW Maxamed Xusseen Rooble ayaa galabta waxa hoygiisa ugu tagay xubnihii golaha wasiirada ee waan waanta waday, Rooble ayaa xubanah daqiiqada yar la joogay una sheegay in aay ku ekaadaan shaqadooda oo aanay isku dayin in aay wakhti ku lumiyaan waan waan waqtigeedii dhaaftay.
Xubnahaan oo uu horkacayay RW kuxigeenka Mahdi Guuleed ayna ka mid ahaayeen Wasiirka arrimaha dibadda Cabdisiciid iyo C/laahi Carab wasiirka waxbarashada ayaa u sheegay RW Rooble waxyaabihii ay madaxwayne Farmaajo kala soo kulmeen.
RW Rooble ayaa waydiiyay wasiirada sababta ay uga hadli waayeen falalkii ka dhacay xaafiiskiisa oo ay hadda waan waan u galayaan.
Wasiirada qaar oo aan la hadlay MOL u sheegay in madaxwayne Farmaajo uu aqbalay waan waan laga dhex sameeyo labadooda, balse dhanka RW Rooble ay ka cuslaatay, taasi oo soo afjartay hankii ay wasiiradu ka lahaayeen u kala dabqaadida labada dhinac.
Waxaa sidoo kale caawa shir la yeeshay Qoor Qoor musharaxiinta kala ah Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Cali Kheyre, wuxuuna ka codsaday in aay qeyb ka noqdaan waan laga dhex abuuro Farmaajo iyo Rooble. Labada musharax ayaa Qoor Qoor u sheegay in aay arrinta dhex dhigi doonaan shirka soo socda ee Midowga Murashaxiinta.
Sharif iyo Xasan Sheekh ayaa raja ka qaba in xildhibaano aay rabaan uu u soo saaro Qoor Qoor, waana sababta keentay in aay siinin jawaab oo ku marmarsiyoodeen in go’aanka aay dhex dhigi doonaan shirka Midowga. Labada musharax ayaa la rumeysan yahay in aay xirir hoose la leeyihiin Fahad Yasin.