Rooble oo Cali Guudlaawe ku taageeray Eryidda Guddoomiyihii SEIT ee Hirshabeelle

Reading Time: < 1 minute

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa taageeray tallaabada uu madaxweynaha Jirshabelle xilka uga qaaday guddoomiyihii Guddiga Doorashda Hirshabelee.

Rooble aya sheegay inuu si dhow ula socdo, juhdina ku bixinayo dhammaystirka doorashada kuraasta Golaha Shacabka BFS ee wali harsan isagoo kala shaqaynaya Madaxda Dowlad-goboleedyada Jubaland iyo Hirshabeelle.

“Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu u hambalyaynayaa Maxamed Xuseen Maxamed oo xubin ka noqday Guddiga Doorashada ee Hirshabelle kaas oo badalaya Axmed Xasan Diini, waxa uuna farayaa dhamaan Guddiyada doorashooyinka in ay ku shaqeeyaan habraacyada iyo heshiisyada Doorashada ilaaliyaanna kala danbaynta” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Xafiiska Rooble.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxwaynaha Hirshabeelle, iyagoo ka wadahadlayn in kuraasta Xildhibaannada ee taalla Baladwayne loogu tartamo si furan isla markaana aan shaqsi gaar ah loo xirin.

Ugu danbayn Ra’iisul Wasaaraha XFS waxa uu ku boorrinayaa Madaxda Jubaland iyo Hirshabeelle in ay sida ugu dhaqsaha badan u soo dhammaystiraan Kuraasta Golaha Shacabka ee harsan.