Rooble oo baajiyay shirkii DG ee Garowe

Reading Time: < 1 minute

Shirkii la filayay in maamul goboleedyadu ku yeeshaan magaalada Garoowe ayaa la baajiyay, kadib markii uu sidaas dalbaday madaxwaynaha dawlad goboleedka Galmudug, waxaana la filayaa in RW Rooble uu ku dhawaaqo shirka golaha wadatashiga qaranka, kaas oo la filayo in uu ka dhaco muqdisho.

Dalabka madaxwayne Qoor qoor ee ah in dib loo dhigo Shirkaas ayaa yimid kadib kulan dhexmaray Ra’iisalwasaare Rooble iyo Qoor Qoor, madaxwaynaha Galmudug, kaas oo ay ka shaqeeyeen waxgaradka, siyaasiyiinta iyo qaybaha muhiimka ah ee ka soo jeeda Galmudug.

Shirka maaml goboleedyada ee ka dhici lahaa Garoowe ayaa ahaa mid aan lagu casuumin RW Rooble, loogana hadli rabay arrimaha doorashada, waxaana uu dhabar jab ku ahaa dadaalada RW Rooble ee la xiriira arimaha loo igmaday ee qaabaynta doorashada.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!