Rooble oo ay labo mar taladu seegtay, fursad kalana siiyay Farmaajo! War yaa la taliya ninkaan?

Reading Time: 2 minutes

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa u muuqda in  uu yahay nin in ay haysato sadac arin midkood; 1) in dadka isaga la taliya yihiin kuwa siiya talo xun oo markastaa fashil ku soo dhamaata 2) in uu yahay nin fudfudud oo ay ku adag tahay in uu la jaan qaado siyaada dalka Soomaaliya  iyo 3) in uu yahay nin doonaya in ayan dalka doorasho ka dhicin si uu u ugu sii nagaado hogaanka uu hada hayo.

Labo sano ka dib waali waxa uu u dhaqmayaa sidii qofka xilka loo dhiibay shalay, taas oo macnaheedu tahay in uu yahay qof ay adag tahay in  caqligiisa siyaasadeed ay wax ku so kordhaan ama waxa la yiraahdo “damiin Siyaasadeed”.

Taalaabadii uu dhowr cesho ka hor qaaday ee uu ku eryay Danjiye Madera waxa ay ay ahayd talaabo aan si fiican looga fiirsan. Ujeedada ma aha in uusan ceyrin ninkaas laakiin qaabka uu u qaaday  go’aankaas aya ahaaa mid wado qaldan loo maray.

Rooble waxa uu haystay fursad uu uga taqaluso Danjire Madeera, Cimriga  siyaasada Farmaajana uu soo afjaro. Labaadaas shaqo ayuu mar qura isku qaban karay, laakiin doqnimo, aqoon la’aan, talo xumo iyo faham la’anta uu ka qabo siyaasadda Soomaliya ayaa keentay in uu mar kale siiyaya Farmaajo  furusad kale uu ku sii joogo.

Talada kowaad ee seegtay ayaa ahayd, in uu dib u dhigo ceyrinta Danjire Madera ilamaa xildhibaanada laga dhaariyo, taas oo ay ka harsanayd wax ka yar asbuuc. Marka xildhibanada la dhaariyo, oo ay doortaan gudoonka ku meel-gaar ah ayay ahayd in uu soo saaro waraaqada uu ku ceyriyay Danjire Madera.

Talaabadaan waxa ay keeni lahayd in Hogaanka dalka laga wareejiyo Farmaajo madaama Baarlamaanka cusub la dhaariyay, waxa ay kaloo sahli lahayd taabagalinta in qoraalka uu ku ceyriyay Danjire Madera uu si fudud u fulo.

Nasiib xumo dhaartii Baarlamaanka dib ayaa ay u dhacday  waxaana mas’uuliyadeeda qaadaya RW Rooble? Waxa uu sidoo kale fursad cusub siiyay Madaxweyne Farmaajo, taas oo u sahlaysa in uu asbuucyo kale ku sii nagaado hogaanka dalka.

Talada labaad ee seegtay RW Rooblw waxa ay ahayd marka uu go’aansaday ceyrinta Danjire Madera, in uu qoraal digniin ah u diro Gudoomiyaha Midowga Afrika isaga oo raaciyana cadeymaha uu hayo. Isla markaana  waxa ay ahayd in codka laga duubay  Danajire Madera uu sii daayo si umadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka uga fal celiso..

Arintaan waxaa ay sii lahayd Rooble furusad uu si degan uga taqaluso  DanjireMadera isaga oo ilaalinaya dhaqanka diblomaasiyadda ee caalamku ku dhaqmo. Waxaa nasiib xumo in khalalaasaha siyaasadeed ee uu abuuray Rooble ay keentay in ay dib u dhacdo dhaarinta XIldhibaanada.

Shaki kuma jiro in Danjire Madera iska bixi doono, waqtiga ay doontaba ha ahaatee, ma jirto sabab uu dalka ku sii joogo, laakiin go’aanka qar iska tuurka ah  Rooble ayaa dalka galin doono xaaalada halis ah. War ninkaan  waalan yaa la talaiya?

W/Q. Daa’uud Cabdi Nuure