Rooble oo awoodii dalka iyo tii doorashada gacanta u galiyay Dowlad Goboleedyada

Reading Time: < 1 minute

Marka aad aqriso  heshiiskii ay gaareen Golaha Wadatshiga Qaran ee ka koobnaa 18ka qodob, waxaa muuqayansa in awoodii dalka iyo hogaanka doorashada gacanta loo galiyay Madaxda Dowlad Goboleedyada.

RW Rooble iyo murashaxiinta madaxweynaha ayaa u ololeenayey in awooda laga soo wareejiyo dowlad goboleedyada  waxaa  taa ka hor yimid madaxweynayaasha Dawlad gobolleedyada qaar iyo Duqa Muqdisho Cumar Filish.

Waxaa jiro qodobo badan oo ay ku doodayeen Midowga Murashaxiinta kuwaas oo dhamaantood laga saaray heshiiska waxana lagu soo koobay qodobadii ay rabeen Dowlad Goboleedyada.  Qodobada laga saaray waxa ka mid ah

  1. In amniga iyo wax kabedelkiisaba uu xilligan xaq u leeyahay Ra’isul wasaare Rooble
  2. In golaha uu cambaareynayo afgambigii Md Farmaajo lagu eedeeyey ee dhacay 27-kii December 2021
  3. In Doorashada Laga dhigo hal deegaan doorasho
  4. In la laalo ilaa 10 kursi oo muran ku jiro natiijadooda
  5. In beesha caalamka ay qas-wade u aqoonsato qofkii loo arko in doorashada ka socon la’dahay
  6. In Akoon la yaqaano loo sameeyo doorashada
  7. In RW Rooble ku saxan yahay guddiyada uu kala diray, lana soo doorto guddoon cusub oo FEIT iyo mid xallinta khilaafaadka ah

Mar hadii awoodii  doorashada gacanta loo galiyay dowlad Goboleedyada, waxaa maxay rajada ay qabi karaan kooxda ku midowaday madashada Midowga Musharaxiinta in ay ku guuleystaan doorashada dalka.