Rooble iyo Farmajo Keebaa  dalka u Khater badan ?

Reading Time: 2 minutes

Waxaa soo baxaysa inuu Farmajo caruurtiisa uruursaday oo uu meel isugu geystay, kwaas oo hadda hal meel ka soo wada jeestay. Rooble, Cabdisiciid, Fahad, Alcadaala, Qoorqoor, Laftagareen, Yasiin Farey iyo kuwa kale oo badan ayaa hadda habeen walba ku kulma guriga Farmajo oo cashadii waa la mideeyey.

RW Rooble waa khater af macaan oo dalkaan halaag weyn u wada, iyadoon la fahmin loona haysto inuu yahay hayin wanaag doon ah ayuu maalin walba waxaa uu sii qadayaa tallaabo halis ah oo ay adag tahay in uu dalka ka soo kabto. RW Rooble Maaha ruux maamul dowladeed yaqaanna, waayo madaxda dowladaha ma jebiyaan ammarada ay soo saaraan ilaa ay caddeeyaan in laga noqday. Wareegto uu soo saaray ayuu ku joojiyey Magacaabis iyo Xil ka qaadis, laakiin waxaa muuqata inaysan isaga saameyn waxaa uu ku qaylinayo.

Rooble waa inay kala noqdaa Kalsoonida Midowga Murashixiinta, haddey  dhab ka tahay babaadinta  dalkaan, haddii kale haku biiraan oo ha hoos tagaan. Waayo waxaa uu taladii dalka ku celiyey Farmajo oo ay ka wareejiyeen ciidankiii Badbaado Qaran. Magacaabista Cabdisicid Muuse Roble in laga saxeexdo waa ayaandarro weyn, waxaana hadda bilaaban doona dalal badan oo la aflagaadeeyo iyo wakiillo badan oo dalka laga eryi doono.

Waxa si cad u muuqata  inuu RW Rooble  ka baxay dhamaan ballamadii uu galay isagoon cid khasbeysaa aysan jirin isuna muujiyey inuu yahay ruux u damqanaya dalkaan.

Rooble  isagoo hortaagan Kamerayaasha iyo Allihii abuurtay ee darajada dulsaaray isagoo bus dhex jiifa maantana awood ballanfurkiisa darteed inuu dullinimo u celiyo waxaa uu ku ballan furay Shacbiga oo uu u ballanqaaday:

  1. Inuu Caddaalad u raadinayo Ikraan, wuu iska laabay galkeeda wuxuuna u sheegay Fahad , Kullane Jiis, Cabdiqani Dhiirrane iyo Yasiin Farey inay tirtiraan raadkeeda.
  2. Inuu qaban doona kana shaqeyn doono Doorasho Heshiis lagu yahay, wuxuu wadaa doorasho bood ah oo haddana aad lug jiidayo uu rabo in bil waliba 5 xildhibaan la soo saaro taas oo qaadaneysa 55 bilood (275/5=55).
  3. Inuu wax ka qabanayo ammaanka dalka laakiin habeen walba dhowr qof ayaa lagu dilaa Xamar kamana hadalo oo maba dhibto. Waxay kooxdiisa keensadeen Drones khater ku ah ammaanka gobolka iyo dalka kama hadal waayo qeyb ayuu ka yahay wuuna og yahay sababta loo keenay.

Iskuu soo duub libaaxa qeylinaya waxaa ka xun kan aamusan, Farmajo waa la fahmay oo wax wanaag ah lagama filayo, laakiin waxaa aad loogu khatalan yahay Rooble oo ka daran kaas oo kooxda Farmajo ku soo kordhiyey Farsamo cusub oo ah isdabbaali wixii uu Farmajo rabanna samee, iyo isagoo u ballanqaaday inuu mucaaridka seexin doono, kadibna gaarsiin doona meel aysan waxba ka qaban Karin xaalka dalka inay is dhiibaan iyo inay dhintaa aan wax seddexeeyaa jirin. Su’aasha hadda qof waliba ku soo dhaceysaa waxay tahay keebaa dalka u khatar badan Rooble iyo Farmajo?

 

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!