Wasiirka Batroolka Cabdirashiid Shiikhaalow oo dhowr asbuuc ka hor lagu qabtay isaga oo saxiixaya heshiis qarsoodi ah oo lagu xaraashayo kheyraadka dabiiciga ee dalka ayaa wali waxa uu si habsimi ah u wataa shaqadiisa, isaga oo wakiil ka ah dowlada Soomaaliya.
Markii ay fadeexada soo baxday, ayaa wareeysi uu wasiirku siiyay warbaahinta waxa uu ku sheegay in madaxda dowlada gaar ahaab madaxweynaha uu la ogaa heshiiska, wax qalada ahna uusan sameeynin.
Rooble iyo Farmaajo ayaa labaduba waxa ay soo saareen qoraalo ay isaga fogeynayaan oo ay ku sheegeen in ayan waxba kala socon heshiiska been abuurka ee uu saxiixay Wasiir Cabdirashiid. Dhanka kale Wasiirka ayaa ku adkeystay in uu qabtay shaqo ay wax ka ogaayeen, raalina ka ahaayeen madaxda ugu sareeysa dalka?
Hadaba su’uusha u baahan in la isweydiiyo ayaa ah, sidee bay suuragal ku tahay in shaqsi lagu soo eedeeyay khiyaano Qaran uu wali hayo xalkiisa? Sida MOL ay u xaqiijeen dad ku dhaw labada dhanac Rooble iyo Farmaajo, ayaa sheegay in la isla gartay in aan markale dib looga hadlin arintaan, wasiirka uu shaqadiisa si rasmi ah uu isaga wato!
Xogta ay heshay MOL ayaa xaqiijinaya in Rooble iyo Farmaajo labadaba ay ka heleen dhaqaale qorshaha taabagalinta heshiiska uu soo saxiixay Cabdirashiid Shiikhaalow.? Lama oga lacagta ay labaduba qaateen ama loo balan qaaday laakiin waa lacag lagu sheegay Malayiin lacagta Maraykanka.
Sababtaan awgeed ayaana keentay in Farmaajo iyo Rooble ay si wadajira u difaacaan in Wasiir Cabdirashiid, isla markaana lagu difaaco jagada wasiirnimada? Waxaa nasiib xumo ah inay dalka ka jirin mucaarad ka hadlaya dhaca iyo boobka loo geysanayo hantida ka dhaxeeysa umadda Soomaaliyeed. Nin danbiile ahna uu golayaasha caalamka ku matalayo shacabka Soomaaliyeed.