Hadalkii uu xalay RW Roble ka jeedeeyay kulankii baroordiiqda ee AUN Xildhibaanad Amina Mohamed ayaa waxa uu ku dhaliyay shacabka Soomaaliyeed walwal, cabsi iyo dareen ah in mas’uulkii loo igmaday in uu ilaaliyo amaankooda uu isagiiba sheegay in uu tiisa u cabsanayo.
Waxa uu Rooble sheegay in uusan gacan ku haynin Amni Shacab & Amni Doorasho midna, iyo in isagiiba uu yahay gacan ku ganbad aan isdifaaci karoin. Hadalkaan ayaa ah mid ay ka muuqatay mas’uuliyad daro iyo in uu yahay nin aan qaadan karin mas’uuliyada loo igmaday.
Marka qof aan u qalmin ama aan qaadi karin mas’uuliyad Qaran loo dhiibo mus’uliyadaas waxa uu dhibaato gaarsiiyaa hanki dowladnimada iyo ilaalinta sharafta kursiga uu ku fadhiyo.
Xaqiiqdii waa nasiib xumo in qoyskii ay ka dhimatay Xildhibaanad Aamino uu u sheego in uusan waxba ka qaban karin dilkeeda, oo isagiiba loo hanjabay. Hadiiba uu sharaf iyo qalbi wanaagsan leeyahay waa inuu si deg deg ah isku casilaa isaga oo ilaalinaya sharafta kurisga uu ku fadhiyo oo ay u muuqato in uusan u qalmin in lagu sii hayo.
Waxaa u baahan in la xasuusiyo Umadda Soomaaliyeed in uu Rooble ahaa ninkii hakiyay dacwada Ikram Tahliil ka dib markii uu ka soo noqday safar uu ku tagay dalka Qatar. Taas oo macnaheedu ahaa in uu dacwadii Ikram uu lacg ku soo iibsady?
Hadii ay daacad ka tahay waa inuu dib u furaa dacwada Ikram, isla markaana howlgaliyo mas’uuliyiinta cadaaladda. Hadii kale beenta iyo oohinta uu muujinayo ha joojiyo! Ileen waxa uu u muuqanaa doqon aan mas’uuliyad qaadin karin.