Rooble “Dowlada Qatar ayaa igu qasabtay in aan la heshiiyo Farmaajo, Lana shaqeeyo”

Reading Time: < 1 minute

Safarkii uu Ra’iisal Wasaare Rooble ku tagay dalka Qatar waxa ay wax ka badashay aragtidiisii siyaasadeed ee ku lahaa dalka Soomaaliya iyo hogaankeeda.

Rooble oo warbixin siiyay qaar kamida siyaasiyiinta beesha uu ka dhashay ayaa u sheegay in boqorka dalka Qatar uu ku Amray in uu si deg deg ah ula Heshiiyo Farmaajo, isla markaana uu kala shaqeeyo sidii dib loogu soo dooran lahaa Farmaajo.

Rooble oo qayskiisa la dajiyay dalka Qatar ayaa waxaa la tusay Dhaqaale iyo rajo galin la xiriirta in Qatar ay isaga Mustaqbalka taageeri doonto.

Waxaa sidoo kale lagu amray in uu gabi ahaanba xal Soomaali ku dhameeyo dacwada  dilka Ikraam Tahliil. Waxaana loo sheegay in dowlada Qatar bixinayso diyadda Gabadhaas.

Sidoo kalo Rooble ayaa loo sheegay in ayan marnaba dowlada Qatar  ka tanaasulaynin Taageeridda Farmaajo iyo Fahad Yasin. Waxa lagu yiri “Fahad iyo Farmaajo dhiig bay noo daadiyeen mana ilaabi karno taageerada iyo garab Istaaga ay garab Istaageen dowlada Qatar”.

Farmaajo oo og sisa loo soo canaantay Rooble ayaa ku adkeeystay in tiisa oo kali ah la qaato. Waana qaabkii ay dowlada Qatar uga taqalustay Xasan Kheyre.

Wax laga sugaa ma jirto RW Rooble, waa nin iyada tiisii haysato oo isaga u baahan in la garab qabto.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!