Roobabka Gu’ga oo ka curtay deegaanada Jubbaland

Reading Time: < 1 minute

Sida dadka reer miyiga iyo gaadiidleyda iskaga kala goosha Gobolada Jubbaland ay ku warameen waxaa degmooyin iyo deeganno dhawr ah ka curtay roobabka gu’ga.

Degmoyinka Af-Madoow, Badhaadhe iyo dhammaan deeganada hoos yimaada waxaa lagu soo waramayaa in raxmadda rabbi ay halka ka curatay oo uu roob ka da’ay maalmihii aynu soo dhaafnay.

Gaadiidka ka imaada miyiga gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in roobka uu biyo dhigay hase ahatee uusan badnayn.

Degmoyin kamid ah gobolada Gedo iyo Jubbada Dhexe ayaa laga soo sheegaya curashada gu’ga waloow uusan ku baahsanayn