Waxaa xalay ka da’ay magalaada Haygeysa roob mahiigaan ah oo geystay qasaare badan. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo madaxdkale ayaa kormeer ku soo maray khasaaraha uu geystay roob laxaadleh oo ka da’ay galabta Magaalada Hageysa iyo Nawaaxigeeda, kaasoo geystay khasaare balaadran oo naf iyo maalba leh.
Waxaa hawasa ka baxay qadka teleefanada iyo dhamaan isgaartiinta oo dhan. Waxaa warbixin ka bixiyay khasaaraha roobku geystay masuuliyiintii ku hawlanaa gurmadka iyo samato-bixinta dadkii uu waxyeeleeyey roobku, waxaanu madaxweynuhu kormeer ku tegay cusbitaalka guud ee Hargeysa.
Madaxweyne Muuse Biixi oo shacabka la hadlay ayaa sheegay in 18 qof ku dhaawacmeen, saddex ruuxna ku geeriyoodeen, iyadoo uu khasaare laxaadlehna uu geystay roobkaasi, welina lagu jiro gurmadka iyo baadi goobka waxyeelada roobkaasi keenay.