Roob mahiigaan ah oo khasaare badan ka geystay Somaliland

Reading Time: < 1 minute

Labadii maalin ee la soo dhaafay waxaa ka da’ay degaano badan oo ka tirsan Somalinad Roobab mahiigaan ah kuwaas oo khasaari naf iyo maale leh geystay. Gudoomiyaha degmadda Shaxda ee gobolka Xaysimo mudane Cigaal Muuse Warsame ayaa sheegay in roob dabeylo wata oo ka da’ay degmaddaasi ay sababeen inay dumaan qeybo ka mid ah 20-guri oo daara iyo 80-kale oo isagu jira Buul Soomaaliyo iyo Sandaqado qoysas danyarihi lahaayeena oo degmada ku yiillay, halka uu badhkoodna saqafka ka qaaday, balse ma jiro wax dhimasho ama dhaawac ah roobkaasi dabaylaha watay uu geystay.

Gudoomiyihu waxa kale oo uu sheegay in dugsigii hoose dhexe iyo mid ka mida masaajidada degmadda uu qayb ahaan saqafka sare ka qaaday. Waxaa kale oo uu tilmaamay in tukaano iyo bakhaaro ay waxyeelo ka soo gaadhay maacuunkii hoos yaalay, waxaanu xukuumadda Somaliland oo uu madaxweynuhu ugu horeeyo ugu baaqay in dadkaasi loo soo gurmado.

 Waxaanu gudoomiye Cigaal sidan ka sheegay wareysi uu khadka telefoonka ku siiyay wargeyska Dawan. Gudoomiyaha degmadda Shaxda ee gobolka Xaysimo mudane Cigaal Muuse Warsame waxaa uu faahfaahin ka bixiyey ugu horeyn tiradda guryaha ay waxyeeladu ka soo gaadhay roobkaasi dabeylaha watay “Habbeen hore waxaa na helay roob, roobkaasi waxaa uu watay dabeylo, waxaaney dabeylahaasi geysteen waxyeelo guryihi waxna wey dumiyeen waxna Jiingadii ayay ka qaaday.

Waxaa dumey laba iyo labaatan guri oo daaro ah, waxaa jiray guryo yar yar oo qoysas danyarihi daganaayeen oo aqal Soomaaliyo iyo Sandaqado ahaa oo dumay oo iyagana tiradoodu dhan tahay 80 ayaa jira, waxaaney isugu jireen guryo deegaana oo dad degan yahay iyo kuwo meherado ah”.