Roob mahiigaan ah oo ka da’ay degeeno ka tirsan gobolka Bari ee Puntland

Reading Time: < 1 minute

Roob xooggan oo khasaare gaystay ayaa xalay ka da’ay tuulada Xiriiro oo ka tirsan degmada Isku-shuban ee Gobolka Bari. Khasaaraha Roobku gaystay ayaa lagu sheegay mid hantiyeed, kadib markii uu dumiyay gurya kala duwan oo ku yaal tuulada Xiriiro, gaar ahaanna ka samaysnaa jiingado iyo cariishyo.

Wararku waxay sheegayaan, in sidoo kale Roobku burburiyay gooba ganacsi oo ku yaalla tuuladaas Xiriiro, balse xog dhammaystiran lagama helin khasaaraha dhabta ah. Roobabka dayrta ayaa ka curtay degaanno ka tirsan Gobolka Bari, halkaas oo uu meelaha qaarkood ka gaystay khasaare kooban.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!