Reerkii ay ka maqneyd gabadhii lagu haystay Madaxtooyada oo beeniyay hadalkii Taliyaha Booliiska

Reading Time: < 1 minute

Taliyaha ciidanka Booliska oo qabtay shir jaraa’id maalmo ka hor aya sheegay in la helay gabadhii ay raadineysay hooyadeed Amran in la helay oo ay ku jirto gacanta ciidanka Booliska isla markaana lagu wareejin doono hooyadeed.

Hooyada dhashay Amal aya maanta saxaafadda la hadashay waxayna sheegtay in gabadheedii aanay weli gacan ku hayn isla markaana hadalka ka soo yeeray Taliyaha Booliiska ay ka maqleen saxaafadda, wax xiriir ahna aanan lala soo sameyn.

Waxay markale ka codsatay ciidanka amniga in haddii ay hayaan gabadheeda ay si degdeg ah ugu soo wareejiyaan.

Halka hoose ka daawo

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!