Reer Muqdisho Oo Hal Arrin Kaliya Hadal Haya Iyo Cabsi Lasoo Gudboonatay

Reading Time: < 1 minute

Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa hadda u muuqda kuwo ay soo wajahday casbi aan caadi ahayn, islamarkaana ku saabsan xaaladda magaalada.

Wixii ka dambeyay markii la shaaciyey in magaalada ay ku jiran gaadiid qaraxyo xambaarsan, waxaa soo badanayey shacabka wadnaha farta ku haya.

Dadka qaar ayaa kuu sheegaya iney iska daayeen meelihii ay aadi jireen oo magaalada ah, maadaama aan la ogeyn qaraxyada meelaha ay ku wajahan yihiin.

Meel walbo oo ay dadka ku kulmaan waxay ka sheekeeyaan oo kaliya gaadiidka qaraxyada wada ee magaalada Muqdisho soo galay.