Reer Gaalkacyo oo fariin culus u diray Farmaajo iyo kooxaha uu ku adeegto

Reading Time: < 1 minute

Doorashadii xalay ka dhacday magaalada Galkacyo ayaa  fariin culus loogu  diray Farmaajo iyo kooxaha uu ku adeegto. Waxaana ay tusaale cad u tahay culayska ku soo wajahan Farmaajo hadii uu isku dayo in uu  tartamo doorashado waxaa ku dhici doono waa mid uusan ka soo waaqsan. Sida ay sheegayaan dadka u kuur-gala siyaasadda Soomaalida.

Qaali Cali Shire ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop-060 ee golaha shacabka Soomaaliya, kaas oo caawa doorashadiisu ka qabsoontay magaalada Gaalkacyo. Waa doorashadii ugu horraysay oo xilli habeen ah la  qabto islamarkaana waxay ahayd doorashadii ugu horraysay oo si furan loogu tartamayay.

Qaali Shire ayaa wareegii labaad ee doorashada heshay 61cod, waxayna ka guulaysatay Ubax Tahliil oo muddo toban sano ah kursigaas ku fadhiday. Wareegii hore ee doorashada ayay Qaali Shire heshay 32 cod, hase ahaatee waxay kusoo baxday codadka musharraxiinta ku haray wareegii hore, kuwaas oo ay ku heshiiyeen inay isbedel sameeyaan.

Xildhibaan Qaali Shire waxay kamid ahayd dadka aadka u dhaliili jiray madaxweyne Farmaajo waxayna ka guulaysatay Ubax Tahliil oo kamid ahayd taageerayaasha siyaaaada madaxweyne Farmaajo.