Reer Cadaado oo u sheegay Gudigii Kheyre in ayan tagi doonin Dh/Mareeb

Reading Time: < 1 minute

Xasan Kheyre oo isticmaalayo qorshe uu ku kala qaybinayo  beelaha degan Galmudug ayaa waxa uu gudigii uu dhawaan magacaawday ku darsaday shaqsiyaad ka soo jeedo beelaha degan Galmudug si loogu ogolaado in shir ka dhaco degaanada ay tagayaan gudigaas.

Mid ka mida oday dhaqameedka reer Cadaado ayaa u sheegay MOL in ayan “jeclaan lahayn in ayba qaabilaan wafdigaan u adeegaya danaha Xasan Kheyre laakiin madaama nin u dhashay reer Cadaado, Gacmadheere uu ku jiro gudiga waan soo dhaweeynay oo waan qaabilnay”

Kulankii maanta ka dhacay Xarunta Baarlamaanka Galmudug oo  qaar ka mida odoy dhaqameedku ku soo xaadireen kunala kulmeen gudigii Xasan Kheyre ayaa ku dhamaaday fashil. Waxgaradka reer Cadaddo ayaa u sheegay gudiga in gabi ahaan aysan tagi doonin Magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug, waxa ayna ku dareen in gudiga oo ay kuj iraan dad fiican ayan sumcadooda iyo karaamadooda ku lumin difaaca danaha Xasan Kheyre.

Guddiga qaban-qaabada shirka dib-u-heshiinta beelaha Galmudug ayaa sheegay in go’aanka reer Cadaado u geyn doonaan madaxa dowladda Soomaaliya ee soo Magacaawday gudigaan. Gudiga ayaa runta indhaha la saaray ka dib markii la weydiiyay in ay iyagu go’aan ka gaari karaan xaaalada ka jirta Galmudug. Waxa ay ku jawaabeen “maya, Xasan Kheyre ayaa go’aanka ugu danbeeya iska leh”.

Waxgaradka reer Cadaado ayaa horay u diiday in ay ka qeyb galaan shirka dib u Heshiinta Galmudug ee Gogoshiisu taalo Magaaladda Dhuusamareeb waxa ayna u sababeeyeen in uu balan uga baxay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo wali ku sugan deegaanadda Galmudug.