Waxaa weli xiisad dagaal ay ka taagan tahay deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool halkaas oo ay ciidamadooda iskuhor-fadhiyaan Maamulada Puntland iyo Soomaaliland.
Maalma kahor deegaanka Tuakaraq ayaa labada dhinac waxaa ku dhexmaray dagaal socday mudo 6 Saacadood ka badan kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah.
Wararka aan ka heleyno Tukaraq ayaa waxa ay sheegayaan in mararka qaar la maqlayo rasaas goos goos ah oo ay isku ridayaan labada Ciidan oo ah kuwo isku muuqda oo aan kala fogeyn.
Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in ay cabsi dareemayaan maadaama Ciidamadu ay ishor-fadhiyaan,isla markaana ay dhici karto in ay markale wada dagaalamaan labada Ciidan.
Dhinaca kale Wafdi ka socda Qaramada Midoobay, Midowga Africa, Dowladda Itoobiya iyo xubno ka tirsan Midowga Yurub ayaa maanta lagu wadaa iney gaaraan deegaanka Tukeraq ee gobalka Sool.
Wafdigaan ayaa xal u raadinaya dagaalka dhiigga badan ku daatay ee tan iyo Bilaawgii sanadkaan ka socday deegaanka Tukeraq kaas oo u dhaxeeya Ciidamo kala Taabacsan Puntland iyo Soomaaliland.
Wafdigaan ayaa marka hore kala qaadi doona Ciidamada is hor fadhiya kadibna waxay la kulmi doonaan dhinacyada Soomaaliland iyo Puntland, Wakiilka Qaramada Midoobay ee arimaha Soomaaliya ayaa hore ugu guul dareestay inuu xaliya dagaalka Tukeraq ee Gobalka Sool ee Soomaaliya.