Rasaas caawa  laga maqlayo  Magaalada Bahar Dar ee Itoobiya

Reading Time: < 1 minute
Rasaas laga Maqlay Magaalada Bahar Dar

Wararka nagasoo Garaay magalaada Bahar Dar ee Ismamuulka Axmaraada ayaa sheegaya inuu rasaas xoogan ay caawa kasocdo qayba kamid magalaadda.

Israsaasteentaas xoogan ayaa laga helayaa warar kala duwan iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in ay u dhaxeyso Ciidanka Militariga Itoobiya iyo Maleeshiyo hubeysan.

Warar kale ayaa sheegaya in ay Aheyd rasaas kooban oo si caadi ah loo riday isla markana cidna u dhaxenin. Rasaasta maanta la maqlay ayaana ku soo aadeysa iyadoo Xaalada Itoobiya ay tahay Mid Cakiran.

Israsaaseyntaas ayaa daba socoto cinqilaabkii dhicisoobay ee lagu dilay talihiyii ciidanka ee Itoobiya.