Rajadii shirka Garowe oo caawa soo xirantay iyo wafuudii shirka oo beri ku noqonaysa meelihii ay ka yimaadeen

Reading Time: < 1 minute

Waxaa caawa soo afjarmay rajadii laga qabay in shirka Garowe lagu sameeyo laba-kaclayn ama uu sii socda si xal loogu helo qilaafka horyaala labada dhinac.. Madaxda Dowlada Dhexe ee uu hogaaminya Farmaajo ayaa caawa dalbaday diyaaradii ku celin lahaa magaalada Muqadishu, halka Axmad Madoobe uu isagu qaadan doono diyaarad u gaara oo ku celineysa magalaada Kismaanyo.

Madaxweyne Waare iyo Lafta Gareen ayaa ka dhoofaya magalaada Garowe maalinta Axadda. Madaxweyne Axmad Ducaale Xaaf ayaa isaga diyaarsaday gawaaradii iyo ciidankii ku celin lahaa magaalada Gaalkacyo isaga oo maraya wada dhulka.