Dowlada Fedaraalka oo agab caafimaad ka dajiyay Kismaayo

Reading Time: < 1 minute

Mas’uuliyiin ka socota Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo xubno ka tirsan Guddiga qaran ee ka hortagga COVID-19 ayaa Maanta agab caafimaad geeyay Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Jubbaland.

Qalabka Caafimaad ee la geeyay Kismaayo ayaa waxaa uu yahay mid looga talagalay in looga hortega faafida Cudurka halista ah ee Coronavirus oo kiisas dhowr ah oo laga helay halkaas.

Wafdiga ka socday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland, waxaana qalabka Caafimaad la geeyay isbitaalo gaar ah oo maamulka Jubbaland uu u diyaariyay in lagu karantiilo dadka uu so rito caabuqaa Covid 19.

Maamulada Koofur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa horey loogu wareejiyay agabkan ka yimid dowladda federaalka Soomaaliya oo loogu talagalay in lagula tacaalo bushiga COVID-19.