Raii’sul Wasaare Xasan Cali Kheeyre oo ka Soo Hor Jeestay Qodobadi Ay Soo Jeediyeen Gudigii Gudoomiye Jawaari

Reading Time: < 1 minute

Iyado Shalay ay soo baxeeyn warar shegaya in waan waaan laga dhex bilaabayo Golaha shacabka iyo Xukuumada Gudigii Gudoomiye Jawaari ayna Shalay la kulmeen Madaxweyne Farmaajo.

Wadahadalada Jawaari Iyo Kheeyre aya u muuqda kuwa an miro dhali kareyn maadama Garabka Kheeyre uu hor kaco ay ku dadaalayaan in Jawaari uu ka baxo Golaha oo uu is casilo.

Raii’sul Wasaare Kheeyre aya la shegaya in uu diidan yahay wada hadalada dhex dhexaadinta ah ee Golaha laga dhex wado isaga oo kulamo la leh saaxibadiisa Mooshinka u wada.

Sido kale wararka aya sheegaya in Xasan Cali Kheeyre uu Madaxweyne Farmaajo u sheegay in aysan suura gal aheyn Qodobada ay so bandhigeyn Gudiga Xildhibanada ah ee matalaya Gudomiye Jawaari,xalna an ugu jirin Qodobadaasi.

Mudane Xasan Cali Kheeyre Raiisul Wasaaraha Dalka aya ku dadaalaya sidi aysan usutra gali laheyn Codsiyada Gudomiye Jawaari iyo in uu Guud ahan maamulo oo Gacan adag uu ku qabto Golaha Shacabka oo ah hey’adi mataleysay Shacabka Soomaaliyeed.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!