Raiisul Wasaare Raami Xamdalla oo Ka Badbaaday Isku Day Lagu Donayay In Lagu Dilo

Reading Time: < 1 minute

Ra’isalwasaaraha Maamulka Falastiin Raami Xamdalla ayaa ka badbaaday isku day dil kaddib markii Kolonyo uu la socday Qarax ku qabsaday Degaanka Beytal Xanuun ee Sohdinta ku yaalla.

Wafddiga Ra’isalwasaaraha ayaa ku sii jeeday gudah Magaalada Gaza,iyada oo weerarkaasi ay ku dhaawacmeen qaar ka mid ah xubnaha Wafddiga Ra’isalwasaaraha Falastiiniyiinta.

Madaxa Sirdoonka Falastiin Maajid Faraj ayaa ka mid ahaa xubnaha Wafddiga,lamana sheegin in uu dhaawacmay iyo in kale.

Daqiiqado kaddib Ra’isalwasaaraha aya aka soo muuqday TV-ga isaga oo ka qeybgalayay munaasibad xarigga looga jarayay goob laga qoday ceel biyaha laga cabo.

Ururka Fatax ee uu hoggaamiyo Maxamuud Cabbaas ayaa weerarkaas ku tilmaamay mid argagixiso,waxaana ay ku eedeeyeen Ururka Xamaas,iyada oo sheegay in weerarkaasi uu meel ka dhac ku yahay dhamaan heshiisyadii nabadeed ee u dhaxeeyay labada Urur.

Madaxa Warfaafinta Ururka Fatax Munir al-Jaghoub,ayaa sheegay in ay sugayaan jawaabta Ururka Xamaas ay ka bixiyaan weerarkaas haddii kalena ay ka dhigantahay in ay iyaga mas’uul ka yihiin.

Iyaad Al-Bazuum oo ku magacaabay Wasiirka amniga gudaha Maamulka Gaza ee Xamaas ayaa sheegay in amaanka degaannada hoostaga Gaza ay mas’uul ka tahay Xamaas,dadna loo xir xiray Qaraxaas iyaga oo wada baaritaan ku saabsan weerarkaas,waxaana uu cambaareynta deg degga ah ee Fatax ku tilmaamay mid ay siyaasadeynayaan.

Xamaas iyo Fatax ayaa heshiis ay ku midoobayaan saxiixday Bishii October ee Sanadkii 2017kii,waxaana halkaas lagu afgaray toban Sano oo ay kala maamulayeen Daanta Galbeed,Raamallah iyo Marinka Gaza.