Raiisul Wasaare Kheyre oo Xildhibanada Mooshinka Ka Wada Gudomiye Jawaari u Balan Qaday Xilal

Reading Time: < 1 minute

Xukuumada Soomaaliya ee hormuudka uu ka yahay Xasan Cali Kheyre aya wado dadaalo ay ku doneyso in ay kula waregto Golaha Shacabka iyado waqtigan lacago xoogan ku bixineysa mooshinka Gudomiye Jawaari si meesha loga saaro oo uu kheyre u kensado wiil caano madaadiye ah oo fuliya danaha gaarka ah ee uu le yahay.

Xukumada Soomaaliya aya waddo balanqaadyo ay u fidineyso qaar ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya, si meesha looga saaro Gudoomiye Jawaari.

Xildhibaan Daahir Cabdi Cabdulaahi oo loo yaqaano Dr.Go, kana tirsan xubnaha Golaha Shacabka ayaa shegay in xukumada fedraalka Soomaaliya ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan in ay ku soo jiitaan xildhibaanada isla markaana ay bixinayaan balanqaadyo ku aadan xilal iyo lacago.