Raii’sul Wasaare Kheyre oo Xalay Eng Yariisow Gacanta u galiyay Liis Magacyo Ah Farayna In Dhawan uu Magacabo

Reading Time: 2 minutes

Iyado ay soo baxayaan warar shegaya in Gudoomiyaha Gobolka Banaadir uu dhawan sameyn doono isku shaandheyta Gudomiyeyasha Degmooyinka Gobolka Banadir aya waxa arintaasi ay tahay mid ay cabsi galisay Maamulo ka mid ah degmooyinka.

Xasan Cali Kheyre Raii’sul Wasaaraha Soomaaliya aya dhawaan faray Eng Yariisow in uu u diyaar garoobo qorshaha isku shandheynta Liis magacyo ahna uu wato arinkaasi aya hada u muuqda mid dhaqan galaya.

Xalay aya la shegay in Gudooomiye Yariisow loo Gudbiyay Liis magacyo ah oo uu Raii’sul Wasaare Kheyre wato waxana magacyadasi lagu abaal marinaya qaar ka mid Xildhibanadi Waday Mooshinka Jawaari oo qaarkood ay kensaden Shaqsiyad ehelkoda ah.

Maamulka Gobolka Banaadir aya ku fashilan sugida amaanka Magaalada Muqdisho iyado dilalka ay joogto ay ka noqden,Xili xalay Degmada Hodan Kooxo Hubeysan ay dil ka fuliyeen,waxana dhacda in raga dilka ka geysta Muqdisho ay goobta ka baxsadaan oo an cidi arag.