Raiisul Wasaare Kheyre oo Warbaahinta Dowlada Ku Amray In Aysan Baahin Wararka Ku Saabsan Gudoomiye Jawaari iyo Gudonada Taagersan

Reading Time: < 1 minute

Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa laga joojiyey inay baahiso wararka Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya marka laga reebo guddoomiye ku xigeenka koowaad C/weli Ibraahim Muudey.

Warbaahinta dowladda Federaalka oo isugu jirta Telefishanka SNTV, Idaacadda Radio Muqdisho iyo Wakaaladaha Wararka SONNA in aysan baahin wararka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo guddoonka kale ee la jira sida Guddiga fulinta iyo guddoomiye ku xigeenka labaad Mahad Cabdalla Cawad.

Warbaahinta dowladda ayaa tan iyo markii uu soo if baxay mooshinka Jawaari gebi ahaanba iska dhega tirtay inay faafiso wax war ah oo ku saabsan guddoomiye Jawaari oo weli ah guddoomiyaha Sharciga ah ee Baarlamaanka, waxayna arrintan ka danbeysay amar wasaaradda warfaafinta uga yimid xukuumadda, iyadoo ay muddo laba toddobaad gudahood ah booqdeen R/wasaare Xasan Cali Kheyre iyo ku xigeenkiisa.

Warbaahinta dowladda ayaa baahisa wararka kasoo baxa guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka C/weli Ibraahim Muudey oo lagu eedeeyo inuu la saftay xukuumadda, waxyana tani sii xoojisay in warbaahinta dowladdu noqotay mid u kala xaglisa hay’adaha dowladda.